Alshabab oo Xaley Weerar Kusoo Qaaday Degmada Afgooye

0
226

Wararka inaga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ururka Al-shabaab xalay saqdii dhexe weerar kusoo qaadeen qeybo ka mid ah degmada Afgooye.

Dadka degmada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe kusoo tooseen dhawaqa rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogga weerarka soo qaaday.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda siweyn isaga caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, waxaana uu intaa ku darray in uusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka.

Degmada Afgooye ayaa noqotey degmo ay isbuuc walba weerar kusoo qaadaan ciidamada Alshabab taasoo inta badan halkaasi ay qasaaro ka geystaan kolka ay soo weeraraan, Balse weli kama aysan hadlin halka ay la eg tahay qasaaraha ay geysteen.