
Xubno ka tirsan Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose oo uu horkacayo Guddoomiye Kuxigeenka Gobalka ayaa maanta safar shaqo ah ku tegey deegaano hoostaga degmada Afgooye.
Wefdigan ayaa waxaa gudoomiye ku xigeenka ku wehliyey Taliyaha Qeybta Booliiska Korneyl Cabdi Ibraahim Shaamow ayagoo ku kuur galayey xaalada amni ee deegaanka ceelasha biyaha waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha Deegaanka Ceelasha Biyaha Marwo Ayaan Xasan Xuseen.
Ayaan Xasan ayaa warbixin ka siisey Deegaanka, iyadoo sheegtay in Deegaanka Xaaladiisa Amniga ay aad u degan yahay waxa kaliya ee Deegaanka kajiro ay tahay isqabqabsiga dhinaca Dhulka.
Wafdiga uu hor kacaayo Gudoomiye ku xigeenka gobolka ayaa lagu wadaa in maalinta berito ay tagaan degmada afgooye halkaasi oo beryahan xaalada amniga si aad ah looga deyriyaano.


