Xog Muhiim ah: Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed oo la Qorsheynayo in xilka laga Qaado

0
210

Guddoomiyaha baarlmaanka maamulka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ayaa halis ugu jira inuu waayo xilkiisa, kadib warar qarsoodi ah oo warbaahinta daafeet media ay ku ogaatay inay socdaan qorsheyaal la doonayo in Koonfur Galbeed loo gacan geliyo hoggaan u daacad ah kooxda Nabad iyo Nolol.

Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ayaa ka mid ah haraadigii hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, wuxuuna markii hore ku yimid rabitaanka Shariif Xasan oo ay aad isugu dhawaayeen.

Intii ay socotay doorashadii Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna, guddoomiyaha Koonfur Galbeed waxaa kulan gooni ah la qaatay masuuliyiin ka socday dowladda dhexe, kuwaasoo ku wargeliyay inuu kala shaqeeyo sidii loo hor-istaagi lahaa muwaadin Mukhtaar Roobow oo markaas uga cad-caddaa doorashada, sidoo kale wuxuu qeyb ka qaatay sidii Cabdicaziiz Laftagareen uu u noqon lahaa hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed. Laakiin waxaad mooddaa in hadda aan loo baahneyn.

Dowladda dhexe oo kaashaneysa Laftagreen ayaa doonaysa in Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna ay ku baddesho qof daacad u ah kooxda Nabad iyo Nolol, si Laftagareen uusan wax culeys ah ugala kulmin dhanka baarlamaanka Koonfur Galbeed, islamarkaana uu u fuliyo danaha kooxda Nabad iyo Nolol.

Daafeet Media ayaa ogaatay in Cabdicasiis Lafta Gareen uu qorsheynayo in baarlamaanka maamulka koonfur galbeed waqti kordhin loo sameeyo markaas ka dibna uu damacsan yahay in Cabdulkhadir Shariif lagu kiciyo xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed kadibna cod qaadis loo adeegsaday laaluush meesha looga saari doono.

Arrinkan ayaa cashar u noqon doono siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo loo adeegsado dib u dhaca iyo carqaladeynta horumarka shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo deegaanadooda, kuwaasoo ugu dambeyn laga qaado xilka, iyagoo aanan wax sharaf iyo tixgelin aanan ka heysan shacabka Koonfur Galbeed.

Warbaahinta Daafeet ayaa dhawaan waxaa ay idinla wadaagi doontaa magacyada dhowr shakhsi oo la doonayo in lagu baddelo guddoomiyaha baarlamaanka ee Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna.