
In ka badan kun qoys oo barakacayaal cusub ah ayaa 6’dii maalin ee ugu dambeysay waxa ay soo gaareen deegaanka garasabaaleey ee duuleedka magaalaada Muqdisho.
Dadkaan soo barakacay ayaa waxa ay isugu jiraan Haween qaarkood inta muqdisho ay usoo socdeen dhex kuso umulay, caruur iyo dad da’ah kuwaas oo ay ka muuqato sameenta ay ku yeelatay abaarta.
Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada deegaanka Garas-baaleey ee duuleedka magaalaada Muqdisho cabdullaahi Cabdi Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay kaamka ay dadkaasi ku suganyihiin ee Alla fuuto ayaa waxa uu sheegay in deegaanka Garas-baaleey ay soo gaareen kun iyo shanboqol qoys oo cusub.

