Dhegeyso: Odayaal Is Hortaagay Dhismaha Airporka Degmada Baraawe

0
53

Warar aan ka heleyno degmada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka taagan yahay qalalaase u dhexeeya odayaal la sheegay iney garab ka heystaan ciidamada dowlada iyo maamulka degmada.

Qalalaasahaasi ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo dhismaha Airporka degmada baraawe odayaasha ayaa la sheegay in ay leeyihin hadii aysan jirin wax dan ah oo noogu jirta dhismaha airporkan in aan la dhisi doonin.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe Cabdifitaax Nuur Sandheere oo la hadley warbaahinta ayaa odayaashani ku eedeeyey iney gacan saar la leeyihin taasina ay u sahashey iney carqaladeeyaan dhismaha Airporka.