Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Oo Ka Jawaabay Hadalkii Madaxweynaha Ugandha

0
49

Wasiirka Wasaarradda arrimaha Dibedda dowlada federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray maalintii shaley madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni

Museveni ayaa ku tilmaamay Soomaaliya dal aysan dowlad maamushaa ka jirin, mar uu hadal u jeedinayay Golaha Garsoorka dalkiisa, isaga oo soo hadal qaday in ay dunida ka jiraan dalal badan oo aan laheyn dowlad dhulka maamusha.

Wasiir Caawad ayaa yiri” Wuu iska hadlay. kaliya waxaan dhihi karaa waa qof iska hadlay. Waala ogyahay Somaliya waxey leedahay dowlad jirta oo xoogan”

Dadka qaar ayaa u arkaya hadalka madaxweynaha Uganda sheegay in uu hadal jees jees ah oo uu ugu gafay Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn xaqiiqda iyo sababta keentay in madaxweynuhu kalmadaa isticmaalo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalka uga eriday ergeygii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya oo ay ku eedeesay in uu ku xadgudbay madaxbanaanida dalka.