Gaari Walxaha Qarxa Laga Soo Buuxiyey oo Maanta Ku Qarxay Agagaarka Wasaaradda Batroolka

0
43

Qarax gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa maanta ka dhacay Kaalin Shidaal oo ku taalla Agagaarka Xarunta Wasaaradda Batroolka Soomaaliya.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga qarxay uu yaallay meel u dhow Kaalinta Shidaalka, waxana warar qaar ay sheegayaan in gaariga aysan cidna la socon oo goobta horay loo soo dhigay.

Kaalinta Shidaalka ayaa hada gubaneysa oo aan weli la xakameyn dabkkeeda, Maadaama uu soo gaaray dabka gaariga qarxay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka ayaa xaqiijiyay in dhammaan shaqaallaha Wasaaradda ay nabad qabaan.