Fadhi Ku Dirirka Baraha Bulshada oo Maanta Ka Doodaya Hadal uu Yiri Madaxweynaha Dalka Ugandha

0
34

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa siweyn looga hadal hayey baraha ay bulshadu ku wada xiriirto hadal uu madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ka jeediyay shirweyne ay lahaayeen hay’addaha Garsoorka dalkiisa.

Madaxweynaha ayaa u sheegay golaha Garsoorka dalkiisa in ay jiraan dalal badan oo aan laheyn dowlad maamusho, isaga oo sheegay in tusaale ugu dhaw loo soo qaadan karo sida uu hadalka u dhigay Soomaliya.

Dadka baraha bulshada isku dhaafanayay hadalka madaxweynaha Uganda ayaa ku tilmaamay gaf iyo ceeb meel ka dhac ku ah dowladnimada Soomaaliya, xili dowlada Uganda ay dalka ka joogaan Kumannaan ciidamo ah oo ilaaliya xarumaha dowladda gaar ahaan madaxtooyada oo xarun u ah mas’uuliyiinta ugu sareya dalka.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo la xiriira hadalka uu jeediyay madaxweynaha dalka Uganda.