Maddaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya oo Kol Dhaweyd Gaaray Magalada Garoowe.

0
46

Madaxweynaha dowlada federaalka somlaiya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa goor dhaweyd gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka puntland si uu uga qeyb qaato caleemasaarka madaxweynaha maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha Garawe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland, Xildhibaano katirsan labada Aqal, Wasiiro, Madax katirsan maamul goboleedyada, saraakiil iyo dadweyne kale oo badan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamo gaar ah oo lagu diyaariyay garoonka diyaaradaha Garawe, waxa uuna Madaxweynaha gacan qaaday madaxdii iyo dadkii kala duwanaa ee soo dhaweeyay.

Farmaajo iyo waftiga la socday ayaa loo galbiyay gudaha magaalada Garawe oo la filayo in ay ka dhacdo munaasabada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni.