Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo Kulamo La Qaatay Masuuliyiin Ka Tirsan Beesha Caalamka

0
47

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa halkaasi kulan kula qaatay Wakiilo ka socda beesha caalamka iyo sidoo kale Danjiraha Dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay Kaalmada Midowga Yurub uu siiyo Soomaaliya iyo mashariicda ay ka wadaan qaybo kamid ah Jubbaland sidii loo dardar galin lahaa kuwo Cusubna loo bilaabi lahaa waxaa kale oo Madaxdu ay ka wada hadleen Arimaha Siyaasada wadanka.

Axmed Madoobe ayaa intii uu ku sugnaa magalada Garoowe waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Masuuliyiin kala duwan oo kasocda Beesha caalamka iyo Ururada daneeya Arimaha soomaaliya oo halkaasi u tegey si ay uga qeyb qaataan caleemasaarka madaxweynaha maamulka puntland.

Si kastaba arintu ha ahaatee Axmed Madoobe ayaa dhanka kale dagaal kula jira masuuliyiinta xukuumada dagaalkaas oo salka ku haya sidii looga tuuri lahaa kursiga maamulka Jubaland maadaamada uu Axmed Madoobe la xulufo ahaa Shariif Xasan iyo Cabdi weli Gaas oo Labada hada laga tuurey kursiga.