Reysulwasaraha Dalka Itoobiya oo Sheegay In La Xaliyey Qilaafkii U Dhexeeyey Masuuliyiinta Is Maamulka Somalida Itobiya

0
70

War qoraal ah oo uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku sheegay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Mas,uuliyiinta ugu sareyso Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Abiy ayaa qoraalkaasi soo raaciyay Sawir uu la galay Wasiirka Maaliyada Itoobiya ahna gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Dowlad deegaanka Soomaalida Axmed Shide, iyo Madaxweyne Mustafa Cagjar.

R/Wasaare Abiy Ahmed ayaa isu keenay labada Mas’uul oo maalmihii u dambeeyay uu khilaaf u dhaxeeyay, waxaana uu u sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo horumarka gobolka, jihada ay tahayna loo maro.