Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Jubaland oo Qarax Miino ah Lagula Beegsaday Inta u Dhexysa Dhoobleey iyo Afmadow

0
134

Ciidamo ka tirsan maamulka jubaland ayaa maanta barqadii miino loogu aasay daafaha magalada halkaasi kula qaraxday, Qaraxan ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen ilaa iyo 8 askari hala ay ku dhaawacween toboneeyo kale.

Gaariga ay miinada la qaraxaday ayaa ka mid ahaa kolonyo baabuur ahaa oo ciidamada Jubaland ay leeyihiin, kuwaas oo marayay inta dhaxaysa magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee gobbolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwa ka qeyb qaadanayay xaqiijinta amaanka Dhoobleey mudadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo xubno uu hoggaaminayay.

Inta badan dhulka banaanka ka ah magaalooyinka ay ka arrimiyaan Ciidamada Jubaland waxaa ku sugan Al-Shabaab kuwaasoo xiliyada qaar Ciidamada jubaland la beegsada Qaraxyo Miino oo khasaare kala duwan dhaliya.