Kii ku Dilay Hakuu Doodo, Dabadeedna Inaad Heshiiseen Caalamka Ha u Sheego

1
42

Tan & maalintii magaalada Baydhabo uu ka dhacay qalalaasihii ka dhashay xadhigii Sheekh Mukhtaar Rooboow ee ciidamo Xamar laga keenay oo garabsanaya kuwa Ethiopia ay ku daadiyeen dhiiga shacab Soomaaliyeed, waxaa aad u yaraa in lagu dhaqaaqo qorshe taaba-gal ah oo dib loogu heshiisiinayo shacabkii koonfur Galbeed ee doorashadii la afduubay ku kala irdhoobay.

Isku dayo kala duwan ayaa jiray laakiin waxaa ka muuqatay intooda badan inay ahaayeen isku dayo ay dabada ka riixayso kooxdii kolka horaba dilka & gabood-falka gaysatay & inyar oo iyaga la hal-maasha. Waxaana marag ma doonta ah in waxii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee dib-u-heshiisiinta lagu sheegay ay ka madhnayd dhabnimo, daacadnimo iyo aragti-wadaag, sidoo kalana ay muuqatay in lagu doonayo muuqaalo la duubo oo dunida lagu marin habaabiyo. Taasi waxay keentay in laga niyad jabo dadaaladii loogu jiray dib u heshiisiinta shacabka koonfur Galbeed.

Su’aasha maanta taagan ayaa weli ah sidee ayay shacabka koonfur galbeed ku heli karaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo la isugu laab-xaadho ummadda?

Si loogu gudbo qorshe loo dhanyahay oo lagu yagleelayo hiigsiga ummadda iyo himilada fog ee ay leeyihiin.

Waxay ila tahay in dib-u-heeshiisiin dhab ah la helo waxay ku imaan kartaa, in kolka hore la helo qiraal iyo garawshiiyo laga garaabo dilki, afduubki & gabood-falkii magaalada ka dhacay. Sidoo kale waa in la helaa qirasho ka timaadda guud ahaan intii qaybta ka noqotay fal-dambiyeedkii dhacay, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah farta loogu godayo ee loo aanaynayo inay faraha si qumaati ah ugula jireen dhibkii gaadhay shacabka magalaada Baydhabo. Balse qaabka ay shalay wax u maqooradeen masuuliyiinta Xamar laga soo diray & inta macooda ah waxaa lagu tilmaami karaa, kii ku dilay hakuu doodo, dabadeed inaad heshiiseen dunida ha u sheego.

Su’aasha labaad ayaa ah muxuu yahay qaab-farsameedka ugu haboon ee lagu guda-geli karo dib-u-heshiisiin dhab ah oo aan ahayn dib-u-heshiisiintan maqaar-saarka ah ee Mursal & Muudeey ay Muqdisho kala yimideen?

Waxaan qabaa in baahi wayn loo qabo in la dhiso guddi farsamo oo ka kooban bulshada qaybaheeda kala duwan, guud ahaan musharaxiintii labada garab, gaar ahaan kuwii laga afduubay murashaxoodii ay u tanaasuleen, sidoo kale xildhibaanada labada gole ee heer federaal kuwooda deegaanka kasoo jeeda & ergo laga soo xulayo ummadda Soomaaliyeed ee deegaanka wax dagta kuwooda dhibka dhacay aan wax ka gaysan ee dhexdhexaadka ka ahaa.

Hadal & dhamaan, si ay wax ku ool u noqdaan go’aamada dib-u-heshiisiineed ee la gaadhayo waxaa lama huraan ah in la helo awood qaybsi dawladeed oo loo dhanyahay, oo haddii loo baahdo dhaqangelin karta heshiisyadaas, si hadhoow dhinacyada heshiiska gaadhayna ay ooga haybeystaan.

1 COMMENT

  1. Saaxib waxaad aad u taqaanaa oo aad xariif ku tahay MAANTA mataqaanid shaley mataqaanid berito,yaawaaye ninka shaley kudilay?mataqaanid, mursal iyo mudey maxy yihiin?matqaanid,adiga maxaad la rabtaa Digilmirifle?noogu soo sheeg halkaan.

Comments are closed.