Akhriso: Baarlamaanka Uk oo Warbixin Kasoo Saaray 2dii Sano ee Uu Farmaajo Xilka Hayey

0
42

Baarlamaanka UK ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha Soomaaliya iyo dhowaad laba sano kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo waxa iska beddelay Soomaaliya.

Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay 8 February 2017 ay shacabka Soomaaliay rajo badan ka muujiyeen doorashadiisii, isagoo wakhtigiisii ololaha balan qaaday inuu wada hadal la furi doono Al-Shabaab, laakiin laba sannadood ka dib waxay warbixintu tilmaamtay inuu u muuqdo in la tijaabiyay.

Waxay warbixintu sheegtay in Farmaajo uu caqabado kala kulmay nidaamka federal ee dalka Soomaaliya, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo dawladiisa iyo maamul goboleedyada, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhibaatadii ka dhex dhacday dhawaan dawladda Farmaajo iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

“Dhawaan waxa uu qalalaase siyaasadeed ka dhex jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada oo la yiraahdo Koonfur Galbeed. Doorashadii Madaxtoyada waxa la qabtay December 2018. Markii tartanka lagu jaray dawladda Soomaaliya waxay dhibaato kala kulantay hoggaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar roobow oo sidiisa ugu dhawaaqay inuu yahay murashax.” Ayay tiri warbixinta.

Wxaay ay intaas raacisay “Roobow waxa la xiray 13 December, maalmo uun ka hor doorashada taas oo meesha ka saartay tartankiisii albaabadana u furtay murashaxii Farmaajo uu doonayay. Xariga Roobow wuxuu keenay degenaansho la’aan ay 5 ruux ku dhinteen.

Xarigii Roobow ayay warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku tilmaantay inay abuurtay culaysyo siyaasadeed oo caalami ah kuwaas oo ay ka mid yihiin cayritna ergaygii Qaramada midoobay, mooshino kala duwan oo markii dambe wada hadal lagu dhammeeyay.

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Soomaaliya dhibaato iyo dhaawacyo siyaasadeed kala kulantay markii ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka wadamada Khaliijka, laakiin waxay xustay inay Soomaaliya natiijo togan kala kulantay isbedelada uu sameeyay Raysalw asaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xaliyay khilaafka xuduudeed ee Ereteriya, taas oo keentay inuu meesha ka baxo dagaalkii ay Itoobiya iyo Ereteriya isku herdiyayeen ee ka socday gudaha Soomaaliya.

Si kastaba waxa ay warbixintu sheegtay in guul uu madaxweyne Farmaajo gaaraa ku xiran tahay hadba sida uu wax uga qabto xaaladda ammaan ee gudaha Soomaaliya.

Dhinaca ammaanka Soomaaliya, sannadkii 2018, waxa ay warbixintu sheegtay inay Al-Shabaab xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya.

“September waxay ahayd bil gaar ah oo xun weerarada Muqdisho. Oktoobar waxay weerarareen kolonyo gaadiid milatari oo uu Midowga Yurub leeyahay oo lagu dilay saddex ruux oo meel taagnaa. Sannadka 2019 wuxuu isna ku bilaabmay si la mid ah. January 1 Al-Shaaab waxay xaqiijisay inay dib u heshay awoodda inay weeraro ka fulin karto saaxiibada Farmaajo la jaarka ah, markii ay weeraro ku qaadeen Nairobi ee ay dileen ugu yaraan 21 ruux. Wuxuu ahaa weerarakani kii ugu balaarnaa ee ay Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo weerarkii jaamacadda Garisa ee 205 oo lagu dilay 150 ruux.”

Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka UK waxay sidoo kale taabatay xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, tan iyo markii uu xukunka qabtay Farmaajo, oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo ilaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xiriirka Somaliland.

“Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda guul kamuu gaarin wanaajinta xiriirka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay November 2017 qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Murashaxii laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii.” sidaas ayay warbixintu tiri.

Waxa kale oo ay warbixintu soo hadal qaaday xiisadda mar walba ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukoraq oo ay dad badani ku dhinteen, “Dedaal wada xaajood oo si rasmi ah loogu samayn lahaa xabad joojin ayaan guulaysan.” Ayay tiri warbixintu.

Warbixintu waxa kale oo ay soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay, “Madaxweyne Biixi ayaa dib u dhigtay March 2018 wada hadalada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in dib loo bilaabo markii ay hakad ku jireen muddo. Ilaa hadda, ma muuqato calaamad muujinaysa inay wada hadaladu dib u bilaabmaan.”