Wasiirka Arimaha Dibada oo Ka Qeyb Galay Kulanka Wadamada Carabta ugu Socda Magalada Bayruut.

0
30

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dowlada federaalka somaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ayaa waxaa uu ka qeyb galay shirka wadamada Carabta oo ka socda magaalada Bayruut ee dalka Lubnaan.

Shir madaxeedka Carbeed oo shalay ka furmay Magaalada Beyruut – sida ku xusan jadwal looga dooday kulankii gogol xaarka ee wasiirrada- waxaa looga hadlayaa 29 qodob oo ah wax-yaabo ay dunida carbeed wadaagto sida dhaqaallaha iyo arimaha bulshada.

Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay hindisayaasha iyo istiraatiijiyadaha la xiriira cunnada, tamarta, ka takhalusidda saboolnimada, ilaalinta haweenka, istiraatiijiyadda carbeed ee tamarta joogtada “Sustainable Energy” iyo dhaqaale ka abuuridda waxyaabaha dhejitaalka laga sameeyay iyo kuwa kale.

Kulama ururada k u bahoobay jaamacada carabta ayaa inta badan looga hadlaa qodobadaa kor ku xusan balse inta badan ma jirto wax horumar oo kasoo baxo marka loo fiiriyo dhinaca baabi’inta saboolnimada iyo weliba arimaha bulshada.