Mustaqbalka Koonfur Galbeed Masii Ahaan Doontaa Dowlada Goboleed Iskeed u Taagan?

3
187

Burburkii dowladadii dhexe kadib, sida aynu dhamaanteen ka wada dheregsannahay Soomaaliya waxaa soo maray dagaallo ay dad badan ku dhinteen, Dagaalladaas intooda badan waxaa ay dhibaato aad u lixaad weyn kasoo gaartay shacabka Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan Koonfur Galbeed taasoo ay dad badani kaga dhinteen dagaalladaas.

Xiligii 1992-kii ilaa 1994-kii dunida waxey ula baxday magalada Baydhabo ee gobolka Baay magaalada dhimashada (Madiinatul mowd ama death City) taasoo maalintii halkaasi lagu aasi jirey in ka badan 1000 qof oo intooda badan ay u dhimanayeen macluul ay ka dambeeyeen dad kaloo Soomaalinnimo sheeganayey, kuwaasoo kusoo qaaday dagaallo iyagoo dhibaateeyay dad rayid ah.

Balse dadka reer Koonfur Galbeed ayaa taasi ku beddelay wanaag ah in ay ka socdaan dhibaatadii loo geystay si ay Soomaalida isugu soo dhawaato, balse waxaa nasiib darro ah in maanta ay jiraan dad kale oo diyaar u ah in ay markale dadka reer Koonfur Galbeed u geystaan dhibaato kale oo waliba kasii daran tii kale, maadaama ay adeegsanayaan awood sharciyeed taasoo baalmarsan nidaamka iyo heshiiska ay Soomaalida qaadatay ee federaalka ah.

Sideynu ka warheyno nidaamka federaalka ah ee Soomaalida ay qaadatay ayaa looga gol-lahaa sidii lagu kala badbaadin lahaa Soomaalida oo ay qabyaalad dillootay, wuxuuna u jeedka ahaa in dowlad goboleed kasta ay aayaheeda ka tashato, islamarkaana ay ka shaqeyso horumarka

Laakiin waxaa hadda muuqata in dhammaan maamul goboleedyada kale ee dalka ka dhisan loo madax baneeyey iney ka tashadaan aayahooda, Halka Koonfur Galbeed si xoog ah ay ugu afduuban tahay dad aanan kasoo jeedin deegaanka oo si toos ah faragelin ugu haya ama u adeegsanaya calooshood u shaqeystayaal kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Dad badan ayaa rumeysan in sababta Koonfur Galbeed aayaheeda ay dad kale uga talinayaan ay tahay in xildhibaannada ku matala baarlamaanka federaalka ay yihiin badankood kuwa aanan marnaba ka fekerin aayaha Koonfur Galbeed balse ka fekera kaliya sidii ay afarta sano ee ay xildhibaan yihiin lacag uga sameyn lahaayeen.

Waxaa xusid mudan in dhibaatooyinkii loo geystay dadka reer Koonfur Galbeed tan iyo 1992-kii aanan cidna maxkamad loosoo taagin. Marka laga soo tago dhibaatooyinkii hoggaamiye kooxeedyada ay u geysteen dadka Koonfur Galbeed waxaa u dambeysay tii lagu laayahay dadkii shacabka ahaa kadib xariggii Mukhtaar Roobow, kuwaasoo aanan ilaa iyo hadda helin wax caddaalad ah.

Siyaasiyiinta, aqoonyahannada, haweenka iyo dhallinyarada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa laga doonayaa inay u istaagaan badbaadinta Koonfur Galbeed iyagoo ilaalinaya shuruucda iyo nidaamka ay qaadatay Soomaaliya oo ah mid federaal ah oo kala qeexaya awoodaha dowladda dhexe iyo tan maamul goboleedyada.

Yasin Abicar

3 COMMENTS

  1. Yasiin Abikir walaalow hadii aan nahay dadka u dhashey koofur galbeed waxaa nahay dad dhur leh oo aan dhug lahayn taasi ayaa keentey in jjiritaankeena qalqal galo waayo u fiirso caalamka dalalka horumarey ama siyaasadooda in badan ay degan tahay waxay leeyiin indheergarad,rugcadaa iwm DIGILMIRIFLE maleeyahay?maya malaha balse wxuu leeyahay kuwo u ek hadana ku mashquulsan danahooda gaarka ah oo aan fahamsaneyn dawladnimad iyo data guud ee shacbiga koofur galbeet waxaan leeyhay Allah ha u keeno indheergarad u dhashey KG.

  2. Sc.MAYA MAYA MAYA NO NO MA SOCONEYSO WAAN KUU SABABEYNAYAA.

    1 Afrika waxaa ka Taliya kuwa gumeystah soo dhoweyey.
    2 dhulkaan 60 aan rabney federaal & kan maantA dib fiiri
    3 ninkaan farmajo buugiisa uu qorey wuxuu nagu tilmaamaa dad laga trio badanyahay oo federaalka hada maqley
    4 2da qole MAREEXAAN & habargdir CEELKII BIYAHA AY ISKU DAGAALIJIREEN WAA DHAMAATEY DHINACAAN AYAA LO’SOO GUUREY..

    LKN INTEY NAGU MAGANYIHIIN ANAGA OO DHAN AYAA NALUGU MAQANYAHAY .NINKII KEENSADAAN DUUL DIFAACAYO AYAA U JOOGA .
    SAKIIN WAXA DHABARKA SAARTEY LEYZAAN MAANTANA WAA U JEEDAAN .
    SHABEELADA HOOSE AYAA WELI NOOL MARKA INTEY LA WAREEGAYAN DHIBKA WUU SOCONAA.
    D&M ALKOLISTE & XASHIISH CABE INTEEY NA MATALAAN WELI .
    ANIGA WAXAAN AAMINSANAHAY LUUQADA MAAYGA INEY DABAR GO’OYSO DHULKA AYAA LASOO BUUX DHAAFSHEY.
    Marka jilka danbe JAWIGOODA WAA JAHWARER .

  3. Abow hawaba;waxaa loo baahan yahay in aan u hurno difaaca dalkeena,dadkeena,diinteena,sharafkeena iyo karaamadeena naf iyo maal waayo daarood iyo habiye si ay ula wareegaan dhulkeena iyo dadkeena waxay u huraayaan naftooda iyo maalkooda ee hala tashto si jiilka danbe dhaxal iyo taariikh wanaagsan ay u helaan .

Comments are closed.