Dhegeyso: Axmed Madoobe oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Alshabab

0
146

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa kaga dhawaaqay Magaalada Dhoobley dagaal ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Jubbadda Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgal Saddex Geesood ah ay ku qaadi doonaan Al-Shabaab, islamarkaana ay kusoo Afjari doonaan sidda ugu dhaqsiyaha badan , Maadaama uu sheegay in ay Muddo badan ay ka gacanta ku hayaan gobolka Jubbadda Dhexe.