Golaha Baarlamaanka Maamulka Puntland oo Si ku Meel Gaar ah Gudomiye ugu Doortay Xildhiban Xuseen Yasin

0
52

Xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamul gobolleedka Puntland oo maanta lagu dhaariyay munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ayaa markiiba iska dhax-doortay guddoomiye ku-meel-gaar ah.

Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee maamul gobolleedka Puntland ayaa noqonaya xildhibaan Xusseen Yaasiin Xaaji Diiriye oo la sheegay in uu yahay qofka ugu da’da weyn mudanayaasha cusub ee baarlamaanka.

Golaha oo ka kooban 66 xildhibaan ayaa waxaa ka mid ah hal qof uu dumar ah oo kaliya, iyadoo 65 ka kale ee soo haray yihiin rag, mas’uuliyiin kala duwan oo saakay khudbado u jeediyay Baarlamanka ayaa kula dardaarmay in aysan ka been-sheegin Kitaabkii ay ku dhaarteen,islamarkaana ay adkeeyan ammaanada loo dhiibtay.

Sidoo kale golaha ayaa looga digay in ay laaluush ku shaqeeyaan iyo in ay shilimaad ku iibsadan masiirka umadda ee lagu aaminay.