Dowlada Dhexe oo Beeninta Waqtadii QM u Adeegsatey Xildhibaan Kasoo Jeeda Koonfur Galbeed.

1
542

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee somaaliya oo qaarkood ka soo jeedaan koonfur galbeed somaliya ayaa bilaabay xaqiraan cadeymaha ay soo saartey beesha caalamka ee dhanka ah xarigii Mukhtaar Roobow iyo xasuuqii loo geystay shacabka konfur gabeed ee ku dhaqan magalada baydhaba.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo kasoo jeeda deegaanada koonfurgalbeed oo u muuqda in ay xukuumada iska soo hor marisay ayaa bogisiisa facebookga soo dhigay muuqaal uu ku tilmaamayo in magalada baydhaba uusan ka dhicin wax xasuuq ah taasoo uu ku beeninayo qoraalkii beesha calaamka oo sheegayey in halkaasi lagu diley 15 ruux qaar kalana la xirxiray.

Waxaa nasiib daro ah xildhibaan idiris cabdi Dhakhtar oo dowlada dhexe masuul uga ah nabadgelyada iyo horumarka shacabka koonfur galbeed inuu xaqiro dulmiga loo geystey intuu u istaagi lahaa iney helaan cadaalad buuxda shacabka koonfur galbeed.

Qaar ka tirsan Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Odayaasha Dhaqanka culumaa’udiinka iyo Haweenka ee kasoo jeeda koonfur galbeed ayaa aad uga caroodey hadalka aan loo meel dayan oo kasoo yeeray xildhiban idiris cabdi.

Waxa hubanti ah in shacabaka koonfur galbeed aysan mar dambe dooran doonin xildhibaano sida Idiris Cabdi oo u taagan in dantiisa shaqsiga ah mar walba ka hor mariyo danta guud isagoo lacago ka qaadanaaya cid kasta oo damacsan burbutinta iyo diban daabyada shacabka koonfur galbeed.

1 COMMENT

  1. Sc.oo maxaan sugeyney wadada laftaguru AYAA furtey waa in lagu daba feelaa.lkn UN waa WAX KALE dad dhintey LA xirey cadeymo ayey heystaan kuwa idiinsoo direy AYAA LA biilaa.
    Odeyga qiireysnaa awooda booliska ku faanaayey AYAA wuxuu sabab u noqdey in dowlada oo dhan laga joojiyey caawinaada dhaqaale KA SHEEKEEY ADIGA YAA LAANDHEERE AH KUWA AAD DISHEEN AYAA LAANDHEERE AH.

    ABAAR BA’HAASE EEBA DORONG.

Comments are closed.