Jaaliyahada Koonfur Galbeed oo Soo Dhaweeyey Qoraalkii Ergeyga Gaarka u Gudbiyey Xukumada

1
45

Jaaliyadaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ee ku nool dallka dibadiisa ayaa soo dhaweeyay warka qoraalka ah ee ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Hayom uu u qoray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Warqadda qoraalka ayuu uga hadlay ergayga xariggii Mukhtaar Roobow oo uu ku sheegay in eedeymaha ka sokow la baalmaray dastuurka Soomaaliya maadaama la xiray isagoo la xukumin.

Sidoo kale wuxuu dowladda ka dalbaday inay jawaab ka bixiso xarigga Mukhtar Roobow, dhimashada iyo dhaawaca dadka rayidka iyo xarigga shacabka oo carruur u badnaa kuwaasoo dhammaan dhacay 13, 14 iyo 15-kii December ee 2018.

Haddaba Jaaliyadaha waxey ku ammaaneysaa ergeyga Qarammada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo dalalka Jarmalka, Ingiriiska iyo midowga yurub ku dhawaaqista inay hakinayaan kaalmadii ay siin jireen ciiddamada booliiska Koonfur Galbeed kadib xasuuqii ay u geysteen shacabka. Islamarkaana ay suurtagal tahay in ciidanka dowladda dhexena laga jaro taageerada dhaqaale haddii dowladdu aysan bixin jawaab cad.

Sidoo kale Jaaliyadaha Koonfur Galbeed waxey dalbaneysaa in caddaaladda la horkeeno cid walba oo ka dambeysay dhibaatadii ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay ugu horreeyaan taliyaha ciidanka Koonfur Galbeed General Mahad C/raxmaan Aadan, Wasiirka Amniga Koonfur galbeed Xassan Xusseen Eelaay, iyo cidda soo siisay amarka haddii ay noqon lahaayeen masuuliyiinta dowladda dhexe ama cid kale.

Jaaliyadaha Koonfur Galbeed ee ku nool dalka dibadiisa horay ayay si cad uga hadashay xasuuqii loo geystay shacabka, waxeyna baaq u dirtay beesha caalamka taasoo u muuqata mid la dhageystay balse waxey Jaaliyadaha markale dalbaneysaa in maxkamad la hokeeno dambiilayaasha si shuruud la’aan ahna loo sii daayo muwaadin Mukhtaar Roobow oo si sharci darro ah ugu xiran dowladda Federaalka.

Jaaliyadaha waxey marar badan ugu digtay dowladda dhexe faraginta qaawan ee ay ku heysay Koonfur Galbeed balse waxey hadda u muuqataa inay dhadhamin doonto natiijada kasoo baxday cabburinta iyo xasuuqa shacabka Koonfur Galbeed.

Warbaahinta daafeet haray ayay u sheegtay in dowladda ay ku fadeexoobi doonto xarigga Mukhtaar Roobow iyo laynta shacabka Koonfur Galbeed.

Su’aalaha ku qoran warqadda ergayga Qarammada Midoobay ayaa u muuqda kuwa aysan jawaab u heynin dowladda. Balse madaxweyne Farmaajo iyo raysul wasaarihiisa Kheyre waxey sameyn doonaa isfurasho taasoo kow ay ka tahay sii deynta Mukhtaar Roobow iyo xil ka qaadista wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow iyo taliyaha ciidanka Koonfur Galbeed.

1 COMMENT

  1. Qurba joog KG ii sheega yurub waxay tartey shacbiga KG laga soo bilaawo 1818 dii maanta aan joogno 2019 ,waxaa waajib idinku ah in aad u dacwootaan shacbigii ay ku laayeen kanaalka asayle iyo wadada u dhexeysa buur hakaba iyo aseendooyinkii dadka ay ku laayeen xiligii ay adonsanayeen awooweyaashiina inta aad ku mashquuli lahaydeen tageerada siyaasad u daneyneysa reer yurub iyo xulufadooda.

Comments are closed.