Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Digniin u Diray Dadka Alshabab Garsoorka u Doonta

0
63

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Soomaaliya Baashi Yuusuf Axmed ayaa wax aan loo dul qaadan karin ku tilmaamay in dadka shacabka ee ku dhaqan deegaannada ay dowladdu maamusho Garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-shabaab.

Gudoomiye Baashe ayaa ugu digay dadka u doonta Al-shabaab Garsoorka in ay wajahi doonaan cawaaaqibkeeda oo uu sheegay in xabsi ay ku muteysan doonaan, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in maxkamada ay soo gola joojin doonaan dadkii ay ku cadaato in Shabaab ay cadaalad ay u doonteyn.

Wuxuu kaloo sheegay in todobaadkii hore xabsiga loo taxaabay saddex ruux oo Al-Shabaab garsoor u doontay deegaanada ay maamulaan, kuwaasoo horay ugu guuldareystay Maxkamadaha dowladda Federaalka.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay xukuumada bixiso digniino noocan oo kale ah taasoo dadka shacabka ah intooda badan aaney dheg jalaq u siin mana la garan karo digniinta waxa ay kaga duwanan karto digniinadii hore.