Aqriso:Gudiga Amniga Doorashada Puntland oo Qodobo Adag Dul Dhigay Dowlada Federaalka

0
47

Guddiga amniga doorashada Puntland oo Garoowe ku shiray ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan adkaynta iyo xoojinta amniga , si looga hortago wax kasta oo carqalad iyo amni darro keeni kara xilliga doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Qodobbada shirka ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ah in aysan Puntland aysan imaan karin maalmaha doorashada lagu jiro shaqaalaha dowladda Federalka sida Wasiirrada, Agaasimayaasha, Saraakiisha ciidanka iyo howl-wadeennada Madaxtooyadda Soomaaliya.

Guddiga amniga ayaa sheegay inan Puntland lala soo galin karin lacago kaash ah,iyadoo lacag kasta oo lala soo galo garoommada diyaaradaha iyo baraha koontoroolada lala wareegi doono.