Cabdi Weli Gaas oo Ciidamo Dhigay Dhamaan Garoomada Deeganada Puntland

0
30

Warar aan heleyno magalada ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu sameeyay qorshe uu ciidamo cusub ku dhigayo dhamaan magaalooyinka leh garoomada diyaaradaha, isaga oo og in dhaqaalaha badan aan dhulka la marsiin karin.

Ciidamada ugu badan ayaa la geeyay magaalada Boosaaso oo uu ku yaalo garoon diyaaradeed caalami ah oo laga hirgeliyay magaalada, waxaana la doonayaa inay ka hortagaan in lacag cadaan ah laga soo dajiyo garoonka, kadibna dhulka la marsiiyo.

Ciidamada ayaa hadda la geeyay garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Garowe, waxaana ciidamada ugu badan ay joogaan magaalada Boosaaso, iyadoo dadka lagu qanciyay inay amaanka xaqiijin doonaan.

Siddeeda bisha soo socoto ee Janaayo ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo doorashada madaxweynaha Puntland, waxaana hadda muuqan saameyn dowladda Soomaaliya ay ku leedahay arimaha doorashooyinka, walow mar walbaa wax isbadali karaan.