Xildhibaano Kasoo Jeeda Koonfur Galbeed oo Maanta La Kulmay Mukhtaar Roobow.

0
43

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kulan gaar ah la qaatay Mukhtaar Roobow Cali oo u xiran dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanadan ka kulmay Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in xaaladda Mukhtaar Roobow ay tahay mid aad wanaagsan, islamarkaana aysan jirin wax caafimaad daro ah oo heysata.

Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo kamid ah xildhibaanada la kulmay Mukhtaar Roobow ayaa sheegtay in xaaladda caafimaadka ee Roobow ay tahay mid wanaagsan islamarkaana lagu hayo goob amaankeeda wanaagsan yahay.

Waxay sidoo kale sheegtay in markii ay la kulmeen Muktar Roobow ay ka muuqatay wanaagsanaan iyo farxad, waxaana ay sheegtay inuu fariin ugu soo faray taageerayaashisa.

Mukhtaar Roobow ayaa kamid ahaa musharixiinta Koonfur Galbeed, balse seddex maalin kahor doorashadiii Koonfur Galbeed ayaa laga soo xiray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.