GUdoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somaliya oo Maanta Dalka Dib ugu Soo Laabtay

0
56

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursale Sheekh C/raxmaan ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar uu muddooyinkan ugu maqnaa dalka Turkiga.

Maxamed Mursal oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maalintii shalay Wareysii siinayay VOA ayaa sheegay in marka uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho dib u eegis ku sameyn doono tallaabadii guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka uu ku kala diray Guddiga Maaliyada Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ka soo horjeeda go’aankii guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ayaa ka rajeynaya guddoomiyaha in uu qaadi doono tallaabo ka dhan ah guddoonkii ku-xigeenka koowaad, halka dhinaca kalana ay ka rajeynayaa in uu ku raaci doono guddoomiye ku-xigeenka go’aankii uu ku kala diray guddiga Maaliyada.