Aqriso: Gudiga Doorashada Maamulka Konfur Galbeed oo Mar Kale Dib u Dhigay Doorashada

0
46

Guddiga doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta la hadlay warbahinta ayaa sheegay in doorashada ay mar kale dib u dhacday ayna dhici doonto dhici 19-ta bishaan December.

Doorashada ayaa horay loogu waday in la qabto 5 Bishan ,laakiin Guddiga waxa ay sheegeen in cabaqado badan iyo cadaadis badan awgeed ay doorashadda dib u dhigeen.

Waa Markii Saddexaad oo la shaaciyo in dib loo dhigay doorashadda Maamulka Koonfur Galbeed oo Shaki badan laga Muujinaayo.

Dib u dhacan tira badan ayaa waxaa sal u ah Faragelinta ay xukuumada ku heysto doorashada koonfur galbeed tasoo keeni karta in halkaasi aysan ka dhicin wax doorasho ah amabase dagaalo mar kale dib uga soo curta deeganada koonfur galbeed.