Shabaab oo Isaga Baxay Degmada Xarardheere oo ay Ku Sugnaayeen Dhowr Sano

0
137

Wararka naga soo gaaraya degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegayaan in Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaasi, kadib markii ay kordheen diyaaradaha dagaalka ee duqeymaha ka fulinaya degaanada hoos yimaada degmadaasi.

Ka bixitaan Al-Shabaab ee Degmada xarar-dheere ayaa waxaa loo sababeeyey in ay dulqaadan waayeen duqemaha ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyaan degaanada ka tirsan gobolkaa Mudug.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa maalmhii lasoo dhaafay howlgallo ka waday degaano ku yaalla gobolka Mudug.

Bishaan gudaheeda ayaa in ka badan 4 jeer oo xiriir ah diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeeyeen degaano hoos yimaada degmada Xarardheere.