Hay’ada Sirdoonka Qaranka oo Sheegtey Iney Gacanta Kusoo Dhigeen Mid Ka Mid ah Ragii Qarxiyey Hotell Saxafi.

0
62

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in howlgalo ay ka fuliyeen magalada muqdisho ay kusoo qabteen mid ka mid ah raggii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi 9-kii bishan November 2018.

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda, Sharcigana la horkeyn doono.

Weerarkii Hotelka Saxafi oo dhacay 9-kii bishan November ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 50-meeyo ruux, halka boqol kalena ay ku dhaawacmeen, weerarkaas waxaa u ahaa kii u horeeyay ee noociisa qaraxyo xiriir ah ku bilowda.