Qurba Joogta K/Galbeed oo Soo Dhaweeyay Go’aanka Musharrixiinta Isbaddel Doonka.

0
50

Qurba joogta kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay maalintii shaley qaateen ilaa shan musharrax oo ka tirsanaa golaha isbedel doonka koonfur galbeed kasoo ay ugu tanaasuleen musharraxnimada doorashada madaxtinnimada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa la sheegay inay u tanaasuleen Mukhtaar Roobow oo ah musharraxa heysta shacbiyadda ugu badan ee shacabka Koonfur Galbeed iyo weliba tan xilddhibaanada maamulka koonfur galbeed.

Qurba joogta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in masuuliyiinta tanaasulay ay qaateen go’aan geesinnimo leh kaasoo ay ku sababeeyeen dhowrista midnimada, horumarka iyo walaaltinnimada reer Koonfur Galbeed.

Qurba joogta Koonfur Galbeed ayaa intaasi ku daray in masuuliyiinta tanaasulay ay tusaale wanaagsan oo dhinaca horumarka iyo midnimada u yihiin dhammaan reer Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyagoo xusay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid ku dayasho mudan.

Waxey Qurba joogta ku ammaaneen masuuliyiinta tanaasulay in go’aanka ay qaateen xilli Koonfur Galbeed ay u baahan tahay badbaadin, islamarkaana ay jirto kala qeyb sanaan siyaasadeed iyo faragelin cad oo ka imaaneysa dowladda federaalka.

Qurba joogta ayaa ugu dambeyn soo jeediyay dhowrista rabitaanka shacabka, iyagoo ugu baaqay musharrixiinta in qof kasta oo ku guuleystay doorashada uu ku dadaalo wax ka qabashada dhibaatooyinka kala duwan ee heysta shacabka Koonfur Galbeed oo ay kamid yihiin amniga, midnimada shacabka, isu furidda waddooyinka maamulka iyo dib u dejinta barakacayaasha.