Qarax Maanta Ka Dhacay Suuq Ku Yaala Degmada Wadajir

0
132

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax aad u weyn uu ka dhacay Xaafada Kaawa-Godeey qeybta degmada Wadajir ee gobolka banaadir.

Goob joogayaal halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay Suuq ku yaalla Isgoyska Kaawa-Godeey, ayagoo intaasi ku daray in qaraxaasi uu geystey dhibaatooyin badan.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa goobta gaaray, kuwaas oo xiray aaga uu qaraxa ka dhacay, sidoo kale waxa socda gurmad loo sameynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaas balse waxaa la sheegaya ain ay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan.