Musharaxa Shacabka K/Galbeed Soomaaliya oo la Tartami Doona Musharixiinta Dowladda Dhexe.

0
117

Doorashada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa isugu soo haray shan musharrax oo kala Mukhtaar Roobow, Cabdi Casiis Lafta Gareen, Xuseen Cusmaan, Adan Saransoor iyo Ibraahin Macalin, kadib markii ay is casileen ilaa shan musharrax, kuwaasoo u tanaasulay Mukhtaar Roobow oo ah musharraxa heysta taageerada shacabka iyo weliba xildhibanada ugu badan ee maamulka koonfur galbeed.

Afar kamid ah shanta musharrax ayaa la sheegay in ay wadato dowladda dhexe, iyadoo si gooni ah kursiga madaxtinnimada Koonfur Galbeed ay ugu rabto inuu ku guuleysto Cabdi Caziiz Lafta gareen, kaasoo la sheegay inuu ka dambeeyay khalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Wararka qaar oo ay warbaahinta Daafeet Media ka heshey ilo ku dhow dhow musharax Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa ay sheegayaan in Lafta gareen uu bixiyay lacagta is diiwaan gelinta ah mid kamid ah saddexda kale ee xulufada la ah.

Musharraxa kaliya ee kasoo horjeeda afarta musharrax ayaa ah Mukhtaar Roobow kaasoo dad badan ay rumeysan yihiin inuu kusoo bixi karo doorashada, maadaama uu heysto taageerada inta badan xildhibaanada iyo tan shacabka Koonfur Galbeed.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa marar badan is hortaagtay musharraxnimada Mukhtaar Roobow iyadoo ay dowladdu ka walaacsan tahay inuu caqabad ku noqdo musharrixiinta ay wadato.

Sidoo kale dowladda ayaa xili sii horeysay lagu eedeeyey in xildhibaanno ka tirsan Koonfur Galbeed ay u daad gureysay magalada muqdisho si aya uga soo gado musharaxa ay xukuumada taageersan tahay taasoo ugu dambeyn sababtay khalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Koonfur galbeed.

Shacabka Koonfur Galbeed ayaa marar badan ka dalbaday dowladda dhexe inay u deyso rabitaankooda, balse dowladda ayaa u muuqata mid ka dhega adeegeyso maadaama rabitaanka shacabka uu yahay Mukhtaar Roobow, taasoo meesha ka saareysa kuwa ay iyada wadato.