Gaari uu Lahaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo Qorax Lagula Beegsaday Albaabka Hore ee Hotel Maka Al Mukarama

0
55

Gaari uu lahaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhaw qarax lagula beegsaday albaabka hore ee hotelka Maka Al-Mukarama.

Xildhibaanka oo markii uu qaraxa dhacay kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gaariga uu qarxay wax yar uun kaddib markii uu ka degay, waxaana la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray darawalkii gaariga waday.

Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa markiiba waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo daqiiqado kooban xiray waddada, hasse ahaatee waxaa la sheegay in khasaare intaa dhaafsiisan uusan ka dhalan qaraxa.

Qaraxyada noocan ayaa inta badan waxaa lala beegsadaa masuuliyiinta ka tirsan dowlada iyo weliba dad shacab ah oo aan waxba galabsan waxaana inta badan masuuliyada qaraxyadaa qaata Ururka Al-shabaab.