Madaxweynaha Dowlada Federaalka oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada

0
41

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeedinayay Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jubba ee dalka Koonfur Suudaan ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda maamul gobolleedyada dalka oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeeyo.

Madaxweyn Farmaajo ayaa sheegay in madaxda maamul gobolleedyada ka talaabeen sida uu hadalka u dhigay howlihii loo idmaday oo loo baahnaa in ay u qabtaan bulshada ay mas’uulka ka ahaayiin, taa badalkeedana u hanqal-taagayaan in ay ka shaqeeyaan arrimo dhaafsiisan nidaamka aas-aasiga ee federaaliisam-ku ku dhisan yahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed intooda badan sida uu hadalka u dhigay siyaasada u gallaan in ay dhaqaale ka sameeyaan, iyaga oo marmarsiiyo ka dhigganaya hal ku dhagyo la doonayo ayuu yiri in hantida ummada lagu xalaaleysto.

Khudbada madaxweynaha uu badneyd weerar afka ah oo uu ku qaaday madaxda maamul gobolleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu madaxweynaha ka yahay ayuu hadana dhinaca kale kula dardaarmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Koonfurta Suudaan in ay la shaqeeyaan dowladda, lana soo celiyo qabkii ay lahaan jireen ummadda Soomaaliyeed.