Wax ka Ogow Sababta Xildhibanada Koonfur Galbeed Logu Daad Gureynayo Magalada Muqdisho.

0
31

Maalintii shaley waxaa magalada muqdisho soo gaaray xildhibaano kor u dhaafaya 15 xildhibaan oo ka tirsan xildhibanada maamulka koonfur galbeed kuwaas oo ay diyaarad qaas ah u dirtay xukuumada federaalka somaliya.

Xildhibaanadan ayaa kolkii ay kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee Adan Cade waxaa si toos ah loogu geeyey Taliye xigeenka Nisa ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin si ay uga wada hadlaan sababta loo keenay magalada muqdisho, Kulanka kadib ayaa xildhibaanadaas waxaa la dejiyey mid ka mid ah hotelada ku yaala magalada muqdisho si ay ula kulmaan madaxweyne farmaajo oo dalka dibadiisa safar shaqo ugu maqan.

Sababta ugu weyn ee xildhibanada loo keenay magalada muqdisho isla markaana ay ula kulmeen Fahad Yasiin ayaa ah in xukuumada ay kala hadasho xildhibanada sidii ay u taageeri lahaayeen ama ay codkooda u siin lahaayeen musharaxa ay xukuumada dhabarka ku sidato.

Dhawaan eyey eheyd kolkii baraha bulshada ay ku kulanto lagu wad waday hadal aan la hubin oo uu sheegay Reysulwasaaraha xukuumada federaalka oo ahaa in xildhibanada iyoo odayaasha dhaqanka ee digil iyo mirifle ay yihin beec ruuxii lacag siiyana ay la safanayaan taasoo ka careysiisay dad badani kasoo jeeda koonfur galbeed.

Hadaba aqristoow adigu maxaa ku fasiri laheyd in xildhibaano diyaarado lagu soo daad gureeyo isla markana hotelo xamar laga dejiyo? Mise fasiraad ka duwan ayaad u heysaa oon eheyn hadalka uu reysulwasaare Kheyre dhawaan ku hadley oo ahaa in Digil iyo Mirifle ey Beec Yihiin. .

Sharafta iyo dadnimada waa heybad uu ilaahey ku siiyey ma aha mid la iska yeel yeelo, Hadaad aragto shaqsi sharaftiisa iyo dadnimadiisa ku bedeshay waxoogaa shilimaad ah waxaad ogaataa in shaqsigaasi uusan noqon karin shaqsi lagu aamini karo masiirka umada iyo weliba qaranimda dalka.