Madaxa Maamulka Galmudug, Sheekh Axmed Shakiir oo soo Dhaweeyey Baaqii Madaxweyne Farmaajo

0
39

Madaxa maamulka Galmudug, Sheekh Axmed Shakiir ayaa soo dhaweeyay baaqii madaxweynaha dowladda federaalka , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku aaddanaa ka qaybgalka shir wada-tashi ah, taasina waxay dhibaato ku tahay madaxweynaha maamul-gobolleedka ,Axmed Ducaale Xaaf.

Hoggaanka maamulka Galmudug ayaa horay labo ugu kala qaybsamay, madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay waheliyaan qaar ka mid ah xildhibaannada maamulka ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa degmada Cadaado,iyagoo halka ku doortay madaxweyne cusub.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku shaqeeya magaalada caasimadda u ah maamulka ee Dhuusamareeb,balse taageerrada madaxa xakuumadda oo isna ku sugan Dhuusamareeb ee baaqa madaxweyne Farmaajo ayaa kor u qaadaya cadaadiska uu la kulmayo madaxweynaha Galmudug.

Xaaf ayaa ka mid ah afar hoggaamiye gobolleed oo xiriirka u jaray dowladda federaalka, waxaana shirkii ugu dambeeyay ee madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada ee toddobaadkii hore lagu soo gabagabeeyay Garoowe laga soo saaray qodobbo kale oo ka dhan ah dowladda federaalka.