5 Qofood oo Maanta lagu lagu Diley Degmada Afgooye.

0
85

Warar aynu ka helyno degmada Afgooye ayaa sheegaya gelinkii hore maanta in halkaasi lagu diley 5 ruux oo dhamaantood ah dadka kasoo jeeda deegaanka, Dilkaasi ayaa la sheegaya iney geysteen mooriyaan u dhalatey beesha habar gidir oo halkaasi ku sugan xoogna ku heysta shacabka ku dhaqan degmada afgooye.

Wararka ayaa intaasi ku daraya dilka inuu yahay mid aano ah oo la rabo in logu aaro nin burcad ahaa oo la oran jiran Ali Beebe oo habeen dhaweyd ay alshabab ku dishey degmada afgooye, Ninkan ayaa  waxaa uu ahaa mooriyaan deegaankaan ku hayey falal isugu jira dil, dhac iyo welliba kufsi.

Dilalka ka dhaca degmada afgooye ee ay geystaan Alshabab ayaa inta badan waxaa aar gudsasho loogu geystaa shacabka masaakiinta ah ee ku nool degmada afgooye kaasoo dhowr nooc oo kala gedisan loogu gumaado deegaanadooda.

Shacabka degmada afgooye ayaa ah shacab ku nool cabsi aan dhamaad leheyn iyo dilal ula kac ah oo maalin walba loo geysto, Shacabka degmada Afgooye ayaa Dhowr jeer oo hore dacwado gaarsiiyey xukuumada balse ma jirto ilaa iyo hada waxa ay ka qabatey xukumada.