Mukhtaar Roobow oo Markii 5naad Ku Gacan Seyrey Inuu La Kulmo Shariif Xasan

0
45

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa habeenkii xalay ergo usoo dirsay musharaxa u taagan xilka madaxweynenimo ee maamulka koonfur galbeed Mukhtaar Roobow Abuu Mansiuur si uu ula kulmo.

Ergada ayaa Mukhtaar Roobow habeenkii xaley kula kulantay hotelka uu ka degan yahay magalada baydhabo wexeyna u sheegeen in shariifka uu rabo in uu la kulmmo isla markana ay ka wada hadlaan arimo dhowr ah.

Mukhtaar roobow ayaa ergadii u sheegay in mowqifkiisa ahaa inuusan la kulmin Sariif Xaan uusan waxba iska bedelin maadaama dhowr jeer oo horey sidaas oo kale ay ugu yimaadaan wuxuuna u sheegay in xiligan uu ku mashquulsan yahay doorashooyinka kusoo foodka leh sasna uga raali ahaado.

Ma aha markii ugu horeysey oo uu shariif xasan ergo usoo dirsado inuu la kulmo sheekh mukhtaar roobow balse nasiib daro waa uu ku guuleysan waayey inuu mukhtaar Roobow aqbalo dalabka kaga yimid Shariifka.