War Deg Deg Ah Ciidamada Amisom, Milateriga iyo Boliiska oo Lagu Amrey Ineysan Amar ka Qaadan Shariif Xasan

0
38

War kol dhaweyd aynu ka helnay magalada baydhabo ayaa sheegaya in ciidama Amisom, Milateriga iyo Boliska ee ku sugan deegaanada koonfur galbeed aysan mar dambe amar ka qaadan karin hogaamiyaha maamulka koonfur galbeed Shariif Xasan.

Masuulka Ciidamada Amisom ee ku sugan magalada baydhaba ayaa Shariif Xasan ku wargeliyey in uu ka tirsan yahay musarixiinta wixii maanta ka dambeysana uusan amar siin karin xoogaga kala duwan ee ka howl gala deegaanadaas ilaa iyo inta doorashada laga gaarayana ay arimaha deegaanka kala xaajoon doonaan gudomiyaha baarlamaanka maamulkaas.

Arintan ayaa imaaneysan kadib kolkuu Shariif Xasan maalintii shaley kusoo laabtay magalada baydhaba halkaasoo loo diiday iney galaan dad shacab ah oo loosoo abaabuley iney soo dhaweeyaan ayadoo markii dambe loo ogolaaday iney galaan tiro aad u yar.

Si kastaba arintu ha ahaatee lolan siyaasadeed ee ka socda magalada baydhabo ayaa waxaa uu marayaa halkii ugu sareysay kaasoo ay ku loolamayaan 3 qeybood oo kala ah koox dowlada gacan saar la leh, koox la magac baxday isbedel doon iyo weliba kooxda uu shariifka horjoogaha u yahay.