Ururka Iskaashiga Islaamka oo Kulan uga Furmay Magalada Muqdisho

0
30

Waxaa goor dhaw magaalada Muqdisho ka furmay shirka Golaha Xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC,, iyadoo shirka si rasmi u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Golaha Xiriirka Soomaaliya ee OIC ayaa la aas aasay bishii September ee sanadkii 2007-dii,, waxaa shirkii u horeeyay ee kooxdaas yeeshaan uu ka dhinac furmay shirkii golaha guud ee Qaramada Midoobey ee sanadlaha ahaa ee ka dhacay New York.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya xubnaha Guddiyada joogtada ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ah 15-ka dal ee Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee OIC, sidoo kale shirka waxaa jooga oo khudbad ka jeediyay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in markii u horeysay ay tahay oo shirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ka furmo, taasoo ku timid dadaalo badan oo la sameeyay, isagoo tilmaamay waxqabadkii 18-kii bilood ee la soo dhaafay.