Mudaaharaad Looga Soo Horjeeda Faragelinta Xukumada ku Heysto Koonfur Galbeed oo Maanta Ka Dhacay Magalada Baydhaba

0
32

Mudaaharaad loogu soo horjeedo faragelinta xukumada ku heyso doorashooyinka dhawaan la filaayo iney ka dhacado magalada baydhaba ayaa maanta ka dhacay baramaha magalada kaasoo ay isugu soo bexeen dadyow aad u badan.

Banaanbaxayaashaasi ayaa halkaasi ku gubey lugaha baabuurta ayagoo isla markaasi ku dhawaaqayey ma dooneyno shaqsi ay xukuumada noo soo dhexe noo keentay hana naga deyso faragelinta ay nagu heyso.

Bananbaxan ayaa ka dambeeyey kadib koley xukuumada geysay magalada baydhaba laba musharax oo kala ah Cabdicasiis Laftagareen iyo Xusuun Cusmaan oo labaduba, Musharaxiinta ayaa taageero beexda waxaa ay ka heystaan dowlada dhexe xukuumadana wexey fileysaa in mid ka mid ah l abadan musharax uu ku soo boxo xilka madaxweynenimo ee maamulka koonfur galbeed.

Ma aha markii ugu horeysey oo faragelin lagu sameeyo siyaasada koonfur galbeed 4 sano ka hor sidan oo kale waxaa ay xukuumada si xoog ah ku keentay magalada baydhaba shariif xasan Sheekh Aadan kaaso hada waqtigiisa sii dhamaanayo.