Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF oo Sheegay Iney Alshabaab Ka Dileen Ciidamo Kor u Dhaafay Tobaneeyo.

0
32

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dishay 24 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ka dib dagaal Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya ku dhexmaray degaanka lagu Magacaabo Qooqaani oo ka tirsan degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda hoose

War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF ayaa lagu sheegay in dagaal socday ku dhawaad 30 daqiiqo ka dib ay dileen qaar ka tirsan dagaalyahanadii Al-Shabaab ee ku sugnaa degaankaasi.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shabaab ay ka furteen 24 Qori oo AK47 ah, Qori PKM ah iyo tiro rasaas ah oo aysan sheegin tiradooda.

Dowladda Kenya ayaa xustay in dagaalkaasi ay kaga dhaawacmeen 3 Askari oo ka mid ah Ciidanka Difaaca Kenya ee ku sugan Soomaaliya.