Shariif Xasan oo Xukuumada Ku Eedeeyey Iney Kasoo Horjeedo Nidaamka Federaalka

0
30

Hogaamiyaha maamulka fadhiidka ah ee koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku howlantay burburinta Nidaamka Federaalka ee ay qaatay Soomaaliya.

Shariifka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaato weyn iyo burburin ku heyso maamul goboleedyadda, ay doonayso in ay meesha ka saarto Nidaamka Federaalka ah.

Shariif Xasan ayaa soo jeediyay hadii la doonaayo in laga tanaasulo Nidaamka Federaalka in laga fadhiisto oo Umada Soomaaliyeed laga qaado Afti dadweyne.

Hadalka Shariif Xasan ayaa kusoo beegmaya kadib kolkuu cadaadis badan kala kulmay doorashada ka dhici doonta magalada baydhabo 17 bisha Novembar, Xukuumada ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii ay qadka uga saari laheyd shariif.

Dhinaca kale Shariifka ayaad moodaa inuu ilaawey qaabka asaga kursiga uu ugu soo fariistay 4 sano ka hor iyo afgambigii uu ku sameeyey odayaal 2 sano iyo in ka badan u fadhiyey sidey ku sameysan lahaayeen maamul isagoo markaasi taageero buuxda ka helayey dowlada dhexe oo uu hormuud u ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.