Heya’ada Nabasugida oo Howlgalo Kusoo Qabtey Masuul Ka Tirsan Alshabab

0
47

Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa ay shaacisay hawlgal laga sameeyey Muqdisho in lagu qabtay xubin sare oo ka tirsan ururka Al Shabaab.

Hawlgal xalay laga sameeyey agagaarka Ex-control ayay Hay’addu ku sheegtay in lagu qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab oo ah khabiir dhinaca qaraxyada u qaabilsanaa.

Ninkaan la soo qabtay ayaan ilaa iyo haatan loosoo bandhigay warbaahinta , balse taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana uu ku jiro gacanta dowladda.

Ma aha markii ugu horeysey oo ay hay;ada nabdsugida sameeyaan howlgalo noocan oo kale ah oo ay dad badani kusoo qabqabteen.