Dhegeyso: Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Ka Hadlay Deymaha Somaliya Lagu Leeyahay

0
88

Wasiirka wasaarada maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyay lacagaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraya sida uu sheegay Afar Bilyan iyo Bar oo deyn ah.

Wasiirka ayaa sheegay inay dowlado dhowr ah ay u yimmaadeen una sheegeen inay Soomaaliya ku leeyihiin deymo balse ay u sheegeen in ay u direen caddaymo muujinaya saxiixyadii dowladdii hore ee Soomaaliya, maaddaama uu dalku ka dhacay bur-bur, islamarkaana uusan jiri keyd loo noqdo.

Waxa uu xusay inay dowladaha qaarkood ku guul darraysteen in ay keenaan caddeymo dhab ah oo lagu qanci karo, taas oo keentay inay ka jaraan kharashaadkii ay sheegteen, waxayna hadda lacagta deynta ah ka dhigeysa 4 Bilyan iyo bar Dollar, halka ay markii hore ka ahayd 5 Bilyan iyo Bar.

Cabdiraxmaan Beyle