Maamulka Puntland oo Raalin Gelin Ka Bixiyey Hadalkii Cabdiweli Gaas

0
50

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamul gobolleedka Puntland ayaa raaligalin looga bixiyay hadal uu dhawaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ka jeediyay magaalada Bandhan.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in madaxtooyada si buuxda raalin galin uga siineyso shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed hadalkii madaxweyne Gaas oo carro badan ku abuuray siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed.