Hogaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamanka Kenya oo Ka Hadlay Isqabqabsiga Dowlada iyo Maamul Goboleedyada

0
29

Hogaamiyaha aqlabiyadda Baarlamanka Kenya oo wareeysi gaar ah siiyay Telefishanka Universal ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Aadan Barre ayaa sheegay in madaxda Soomaaliya ay iyagu is heystaan halkii laga rabay in ay bulshada u shaqeeyaan, isagoo xusay in howsha hortaal ay tahay mid baaxad leh.

Ducaale ayaa sheegay in waagii baryaba shacab lagu laayo Soomaaliya ama gobollada, isagoo xusay in la xalaalsaday dhiigga shacabka“In Farmaajo iyo Maamullada gobollada is heystaan habeen iyo maalin, In baarlamanka iyo dowladda is heystaan iyo waab kasta lagu laayo shacab, laba beri oo isku xigto oo nabad ay ka jirto magaalada Muqdsho hadda lama arko,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Waxa uu sheegay in madaxdu ka gaabiyeen shaqooyinkii ay ka sugeeysay Soomaalida, isagoo yiri “Fikaraddii weynayd ee la rabay in waddanka la dajiyo, in waddanka laga sifeeyo Al-shabaab, in waddanka dib loogu soo celiyo sharaftii uu mudnaa, fikraddaasi hadda way luntay, fikradda hadda waxay noqotay Soomaaliya in umaddii la iska horkeeno, afar sanana dowladda ay iska jirto, inay iyaga is qab-qabsadaan.”

Waxa uu sheegay in talo ahaan uu usoo jeedinayo Madaxweyne Farmaajo in uu ka roonaado maamullada gobollada, islamarkaana muujiyo dulqaad, isagoo xusay in sidoo kale madaxda maamullada uu kula talinayo in ay dowladda ixtiraamaan, lana shaqeeyaan, islamarkaana dhaqaalaha dowladda iyo ciidamada wax laga siiyo.