Wasiirka Wasaarada Maaliyada oo Sheegay In Dhawaan Midowga Yurub Somaliya Ugu Deeqi Doonto 100 Milyan Euro.

0
27

Wasiirka wasaarada maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa isaga oo la hadlaya warbaahinta sheegay in midowga yurub Midowga Yurub ay dhawaan deeq ahaan u siinaya dowladda Soomaaliya 100 milyan oo Euro.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wuxuu inta ku daray lacagtan in lugu kabayo dhaqaalaha dalka, gaar ahaan mushaaradka iyo fulinta adeegyadda kale ee dowliga ah.

“Waxa ay dadku arkayaan waxaa weeye Soomaalida in dhinicii toosnaa ay u wada jeeddo.” ayuu ku daray hadalkiisa.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, wuxuu hadalkan sheegay saacado yar kaddib markii golaha bangiga adduunka uu ansixiyay 80 milyan oo doollar oo deeq ahaan uu u siinayo Soomaaliya, lacagta oo ah middii ugu horreeysay ee ka imaanaysa bangiga adduunka oo muddo soddon sanno kadib ku dhacaysa khasnadda dowladda Soomaaliya.