Maddaxweynihii Hore ee Somaliya oo Maanta Kasoo Degay Garoonta Aadan Cade ee Magalada Muqdisho

0
43

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka waxaa ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan xisbiga Damuljadid Guddi, Xildhibaano iyo masuuliyiin horey uga tirsanaa dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sababta uu u yimid magaalada Muqdisho waxaa lagu sheegay inay ugu horeyso sidii uu ugu dhawaaqi lahaa xisbi siyaasadeed oo isaga uu hoggaamin doono.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tan iyo doorashadii looga guuleystay ee dalka ka dhacday kadib wuxuu ku maqnaa dalka Turkiga, halkaasi oo uu kula noolaa qoyskiisa.