Ganacsato Xoolahooda Lagu Boobay Magalada Soweto ee Dalka Koonfur Africa

0
36

Ganacsato goobo ganacsi ku lahaa degaanka Soweto ee dalka Koonfur Afrika ayaa boob lagula kacay ganacsigooda, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.

Dukaamada la boobay ee ku dhexyaala xaafada Soweto ayaa waxa leh dad shisheeye ah oo ka tagay dalalka Afrika, waxaana ka mid ah dad u dhashay dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Zimbabwe iyo Pakistan.

Boobkan ayaa xoogeystay kadib markii Dukaan keliya oo ay dadka halkaa degani sheegeen in ninka leh oo Soomaali ah uu toogtay wiil dhawr iyo toban jir ah iyo saaxiibkii oo sida la sheegay damcay in ay Dukaankiisa u dhacaan.

Burcad ku hubeysan Baangado oo u badan dadka degaanka ayaa boob ku bilbaabay Dukaamo ka badan 40, halkaasi waxaa iska hor imaad uu ku dhexmaray Burcada Koonfur Afrikaanka iyo dadka iska leh goobaha ganacsi.

Maha aha markii ugu horeysay oo ay falal noocan oo kale ka dhacaan dalka koonfur galbeed dhowr jeer oo horey ayaa sidan oo kale ganacsato soomaliyeed loogu dilay.