Reysuwasaare Kheyre oo Amisom Ka Codsaday Iney Ka Guuraan Garoonka Stadio Muqdisho

0
35

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay Barnaamijka Bandhigga Baahida ciyaaraha dalka, ayaa khudbad uu u jeediyay kumanaan ruux oo isugu soo baxay garoonka Wiish, degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir, waxa uu uga hadlay horumarinta waxbarashada iyo ciyaaraha dalka.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa sheegay in ay aqoonyahanadii iyo dhammaan masuuliyiintii isku hawlay horumarinta waxbarashada dalka xilliyadii ay adkayd in lagu dhiirado fulinta barnaamijyo bulshada lagu horumarinayo, in dawladdu aqoonsan tahay ayna ku leeyihiin sharaf iyo abaal, hase yeeshee wali loo baahan yahay in la tayeeyo waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa adkeeyay dawrka ciyaaruhu ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo soo celinta kalsoonida dhallinyarada, isaga oo sheegay in xukuummaddu ay bahda ciyaaraha dalka siineyso xushmadda ay mudanyihiin.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay muhiimmadda ay leedahay soo celinta iyo dib u dhiska goobaha ciyaaraha gaar ahaan garoomada waaweyn ee kubbadda cagta sida garoonka ciyaaraha Muqdisho oo fariisin u ah ciidanka nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

“Garoonka ugu weyn ee dalkaani lahaa waa Muqdisho, waxa aan wasiirka hortiina ugu sheegayaa in garoonkaas si dhaqsa ah gacantiinna loo soo geliyo. Waxa aan codsannay ciidamada ku jira in laga saaro, la dhiso, wasaaradda gacanteedana lasoo geliyo”, ayuu u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre ku yiri kumanaanka ruux ee ka qayb galay barnaamijka baahida ciyaaraha.